Wafdi Ka Socda Dowladda Federaalka Oo Gaaray Magaalada Baydhabo

0
145

JOWHAR (Radio isnaay) Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda  Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa lagu soo dhoweeyay Magaalada Baydhabo oo ah Xarunta Kumeel gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed

Wafdigaasi, waxaa Garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay, Wasiirka Shaqada Maamulka Koonfur Galbeed, Wasiiru dowladaha Madaxtooyada, Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahad celiyay cid kasta oo ka qeyb qaadatay soo dhaweyntiisa, wuxuuna sheegay in uu howlo shaqo u tegay Magaalada Baydhabo.

Wasiir Cabduwahaab ayaa waxaa la filayaa inta uu ku sugan Magaalada Baydhabo in uu kulan la qaato Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada Maamulkaas.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Xukuumadda  Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa sidoo kale dhagax dhigi doona mashaariic kala duwan, kaas oo ay ka qeyb qaadan doonaan Hay’ado Caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here