Xaqiiqooyinka Cajiibka Ah Ee Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray

0
157

JOWHAR (Radio isnaay) Waxa xalay la ciyaaray kulamada champions League iyada oo kooxo badan guulo gaadheen kooxo kalena ku dhibaatoodeen in ay natiijo fiican helaan.

Kooxda Man United ayaa ku hor kuftay kooxda Atalanta iyada oo uu Cristiano Ronaldo guuldaro ka badbaadiyay daqiiqadihii ugu dambeeyay bar-barana u keenay kooxdiisa.

Dhanka kale kooxaha chelsea, Juventus, Bayer Munich iyo Barcelona ayaa dhamaantood guulo muhiim ah ka gaadhay kulamada champions league.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulamadii champions league ee xalay la ciyaaray.

Man United ayaan ku fashilantay in ay shabaqeeda ilaashato 4 ka mid ah 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee champions League iyaga oo kaliya ilaashadatay kulankii ay 5/0 uga badiyeen RB Leipzig.

Robert Lewandowski Ayaa ah xiddiga 6-aad ee dhaliya gool kulankiisii 100-aad ee champions Leageu kadib xiddigaha Thierry Henry, Zlatan Ibrahimovic, Cristiano Ronaldo, Andrea Pirlo & Toni Kroos.

Cristiano Ronaldo ayaa haatan dhaliyay 126 gool tartamada oo dhan 303 kulan oo uu u ciyaaray Man United haatan ka dambeeya tababarihiisa Ole Gunnar oo 366 kulan u saftay kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee Man United gool u dhaliya 4 kulan oo xidhiidh ah champions League tan ilaa Ruud van Nistelrooy oo sidaas sameeyay April 2003.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa ku lug leh 77 gool tan ilaa markii uu Man United u saftay kulankiisii ugu horeeyay 44 gool iyo 33 caawin.

Robert Lewandowski ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliya gool, caawiya gool isla markaas khasaariyaha rikoodhe kulan champions League ah tan ilaa Diego Costa oo sidaas sameeyay November 2013.

kaliya kooxda Norwich oo laga dhaliyay 28 gool tartamada oo dhan ayaa ka yar Man United goolasha laga dhaliyay tartamada oo dhan premier League xilli ciyaareedkan iyada oo laga dhaliyay 23 gool.

Cristiano Ronaldo ayaa noqday xiddigii ugu da’da weynaa ee laba gool u dhaliya Man United kulan yurub ah isaga oo jira 36 sano 270 maalin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here