Liverpool Oo Ay 5 Xiddig Oo Khadka Dhexe Ah Ka Maqnaan Karaan Kulanka Atletico Madrid.

0
177

JOWHAR (Radio isnaay) Henderson, Jones iyo Oxlade-Chamberlain ayaa ah xiddigaha khadka dhexe ee taamka u ah haatan ee kooxda Liverpool.

Elliott, Milner iyo Keita ayaa la xaqiijiyay in ay seegi doonaan kulanka Arbacada ee champions League ay la ciyaari doonaan Atletico Madrid.

Fabinho iyo Thiago ayaa dhankooda wakhtiga tartan la gali doona si ay taam ugu noqdaan kulanka adag ee champions League.

Xiddiga reer Brazil ayaan ciyaarin tan iyo kulankii Atletico ee Spain isagoo dhaawac ‘murugsan’ soo gaaray.

Xiddiga Thiago ayaa dhankiisa dhaawac la dhibaatoonaya isaga oo aan xitaa kaydka ka soo muuqan kulankii Brighton ee sabtidii premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here