Jose Mourinho Oo Weerar Dhanka Suuqa Ah Ku Qaadaya Kooxdiisii Hore Ee Man United, Laba Xiddig Ayuu Ka Doonayaa.

0
173

JOWHAR (Radio isnaay) Tababaraha Kooxda Roma ee Jose Mourinho ayaa doonaya in uu weerar ku qaado kooxdiisii hore ee Man United isaga oo ka doonaya daafacyada Diogo Dalot iyo Victor Lindelof.

Mourinho ayaa doonaya in uu kooxdiisii hore amaah kaga soo qaato xiddiga Dalot isla markaas qaab toos ah ugala wareega xiddiga reer Sweden ee Lindelof.

Dalot oo 22 jir ah ayaa lagu soo waramayaa in uu ka niyad jabsanyahay in uuna joogto ugu ciyaarin Man united tan ilaa markii uu kaga soo biiray Porto 3 sano ka hor.

Daafaca dhexe ee Lindelof Ayaa dhankiisa la filayaa in uu lumiyo booskiisa marka uu Raphael Varane ka soo laabto dhaawaca.

Sidaas darteed Mourinho ayaa doonaya in uu labadaas xiddig ka qaato kooxdiisii hore si uu ugu xoojiyo daafaciisa oo aad diciif u ah xilli ciyaareedkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here