Beesha Caalamka oo ka hadashay doorashooyinkii ka dhacay Puntland

0
147

JOWHAR (Radio isnaay) Iyadoo si nabad ah ay ku soo gebagebowday codbixintii iyo ku dhawaaqista natiijada hordhaca ah ee hanaanka doorashada ‘hal qof iyo hal cod’ ee saddex degmo oo ka tirsan Puntland. Saaxiibada beesha caalamka* waxay ugu hambalyeynayaan shacabka Puntland ee hormuudka u ah hirgelinta nidaamka doorashada guud oo ka hirgasha Soomaaliya oo dhan.

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhawaynayaan xamaasadda ay muujiyeen shacabka ku dhaqan degmooyinka Qardho, Eyl iyo Ufeyn, sida ka muuqata tirada badan ee codbixiyaasha ah ee soo baxay. Waxaan rajaynaynaa dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha dheeraadka ah iyo soo saarista doorashooyinka dawladaha hoose ee guud ahaan dawlad goboleedka Puntland sanada 2022. La-hawlgalayaashu waxay ku ammaanayaan dhammaan dhinacyada ay khusayso doorkooda geeddi-socodka, iyagoo si gaar ah u xusay wada-shaqeynta wax-ku-oolka ah ee ka dhaxaysa Guddiga Ku-meel-gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), ururrada siyaasadda iyo ururada bulshada rayidka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here