Maamulka Barcelona ayaa bilaabay raadinta badalka Koeman waxana ay bilaabeen in ay la hadlaan tababarayaal aad u badan si ay uga dhigtaan tababarohooda cusub.

0
224

JOWHAR (Radio isnaay) Barcelona ayaa si ku meel gaar ah u magacaabi doonta Sergi Barjuan oo haatan hogaamiya kooxda da’yarka ee kooxda Barcelona kadib markii ay shaqada ka caydhiyeen Ronald Koeman, sida laga soo xigtay Cadena SER.

Tababare Barjuan ayaa si aad ah loo qiimeeyaa kadib markii uu shaqo fiican ka qabtay Barcelona B sanadihii ugu dambeeyay.

Sergi Barjuan ayaa hogaamin doona kooxda 1-aad ilaa inta ay kooxdu magacaabi doonto badalka tooska ah ee Koeman kaas oo laga caydhiyay shaqada kadib guuldaradii Rayo Vallecano.

Maamulka Barcelona ayaa bilaabay raadinta badalka Koeman waxana ay bilaabeen in ay la hadlaan tababarayaal aad u badan si ay uga dhigtaan tababarohooda cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here