Madaxweynaha hirshabelle Oo la kulmay Madaxa undp Ee Soomaaliya

0
151

JOWHAR (Radio isnaay) Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta qaabilay Madaxa igu sareeya Hay’adda UNDP ee Somalia Jocelyn Mason.

Kulanka Cali Guudlaawe iyo Joceyn yeeaheen ayaa looga hadlay Horumarinta iyo tayeeynta Hay’addaha Dowlada Hirshabeelle, iyo Hirgalinta Mashaariic Wax ku ool ah.

Madaxweynaha Hirshsbelle iyo Jocelyn Mason ayaa Sidoo kale isla afgartay in la joogteeyo kulamada si loo xoojiyo shaqooyinka Wasaaradaha dowlad goboleedka Hirshabelle.

Cali Guudlaawe oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho aya kulamo kala duwan la qaatay Madax katirsan Dowlada Federaalka iyo wakiili katirsan Beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here