Ciyaartoyga Ciyaara Kubada Tennis-ka Ee Rafa Nadal Oo Magacaabay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka

0
152

JOWHAR (Radio isnaay) Karim Benzema ayaa ka mid ah musharaxiinta ugu cad cad ku guulaysiga abaalmarinta  Ballon d’Or 2021 waxana uu taageero heer sare ah ka helay Rafael Nadal.

Xiddigga tennis-ka, oo ah taageere caan ah oo Real Madrid ah, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sharraxay sababta uu u rajaynayo in weeraryahanka la siiyo abaalmarinta shaqadiga ah.

“Waxa uu leeyahay jacaylkayga ciyaaryahan ahaan, waxa uu muujiyaa ka go’naanshiyaha ciyaaraha waxana uu muujiyaa xirfadiisa da’diisa,” Nadal ayaa qoray.

“Nasiib wacan Benzema, waxaadna haysataa taageeradayda Ballon d’Or 2021”.

Karim Benzema ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray sanadihii ugu dambeeyay isaga oo kooxda Real Madrid u dhaliyay goolal badan kuna hogaamiyay guulo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here