Cristiano Ronaldo Oo Diidan In Halkan Tababare Loo Magacaabo Shaqada Man United.

0
370

JOWHAR (Radio isnaay) Xiddiga kooxda Man United ee Antonio Conte ayaa lagu soo waramayaa in uu diidanyahay in uu tababare Antonio Conte noqdo tababaraha cusub ee kooxda Man United shaqadana ka badalo Ole Gunnar Solskjaer.

Ole Gunnar Solskjaer ayuu cadaadi xoogan saaranyahay kadib qaab ciyaareed xun oo ay kooxda man United soo bandhigtay kulamadii ugu dambeeyay.

Man United ayaa la sheegayaa in ay ka fiirsanayso in ay shaqada ka caydhiso tabaabre Ole Gunnar Solskjaer kadib guuldaradii kooxda ka soo gaadhay Liverpool Axadii hore.

Wararka ayaa sheegaya in ay Man United haatanba la xidhiidhay wakiilada tababare Antonio Conte si ay ugu badalaan tababare Ole Gunnar Solskjaer hadii ay shaqada ka caydhiyaan.

Laakiin wargayska La Repubblica ayaa sheegaya in uu Cristiano Ronaldo diidanyahay in uu Conte tababare u noqdo kooxda Man United iyo in uu shaqada ka badalo tabaabre Ole Gunnar Solskjaer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here