Man United Oo Ka Cabsi Qabta In Uu Bruno Fernandes Seego Kulanka Liverpool, Sabab.

0
188

JOWHAR (Radio isnaay) Manchester United ayaa ka cabsi qabta in Bruno Fernandes uu seego kulanka axada ee Premier League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Liverpool sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Portugal ayaa wacdaro dhigay kulankii ugu dambeeyay ee Atalanta. Si kastaba ha ahaatee, hadda waxaa jira walaac laga qabo inuu taam u noqon doono kulankooda xiga.

Fernandes ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kulamadii ugu dambeeyay inkasta oo ay kooxdu ku jirtay qaab ciyaareed xun kulamadii ugu dambeeyay.

Warayska The Sun ayaa haatan sheegaya in ay jirto cabsi laga qabo in uu xiddigu seego kulanka Liverpool ee Axada kadib markii uu dhaawac uga baxay tabbabarkii khamiistii.

Solskjaer ayaa sheegay in uu xiddigu xanuun dareemayo waliba maanta oo jimce ah la qiimayn doono xaaladiisa si loo ogaado in uu seegi karo kulanka Liverpool iyo in kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here