DFS oo gudbisay warbixin ku saabsan xaaladdaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya

0
182

JOWHAR (Radio isnaay) Waxaa  Magaalada Geneva ee dalka  Switzerland  Maanta lagu soo geba-gabeeyay shirka Arrimaha Bini’aadanimada, waxaana Soomaaliya uga qeyb gashay shirkaas  Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta & musiibooyinka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Shirka oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka socda waar kamid ah wadamada Caalamka ayaa waxaa diirada lagu saaray dhibaatooyinka  bani’aadannimo ee jira iyo sida looga gudbi karo.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta & musiibooyinka ee Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo ku matalayay Shirkaasi Soomaaliya ayaa ka jeedisay warbixin ku saabsan xaaladdaha Bini’aadanimo ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here