Dalalka Jaamacadda Carabta oo shaaciyay inay taageerayaan doorashada Somalia

0
225

JOWHAR (Radioisnaay) War-murtiyeed kasoo baxay shirka Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagu soo dhaweeyay go’aankii Maxkamadda Caddaaladda ee ICJ, kaas oo Soomaaliya loogu xukumay dhul-badeedkii ay Kenya ku muransanaayeen sanado badan, sidoo kalena looga hadlay doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale Warmurtiyeedka ayaa looga hadlay xaaladda amni iyo midda doorasho ee Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah Xildhibaannada Shirka ka qeyb galay ayaa sheegay in shirka sidoo kale diirada lagu saaray taageerada doorashada somalia

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Baarlamaanka dalalka Jaamacadda  Carabta ay shegeen inay dowladda Soomaaliya gacan ka siinayaan howlaha doorashooyinka ee haatan socda.

Baarlamaanka dalalka Jaamacadda ayaa sanad walba waxaa ay yeesheen shir ay uga hadlayaan xaaladaha kuaoo kordha dalalka Carabta, iyaga oo diirada saara sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka kajira wadamada Carbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here