Jurgen Klopp: Mohamed Sala Ayaa Haatan Ka Fiican Lionel Messi & Cristiano Ronaldo.

0
213

JOWHAR (Radioisnaay) Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa sheegay in Mohamed Salah uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican adduunka kaddib bandhigiisii ​​wacnaa ee kulankii Watford galabnimadii Sabtida.

Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo Liverpool ka caawiyay in ay guul 5/0 ka gaadho kooxda Watford isaga oo caawiyay laba kale.

Klopp ayaa u sheegay BT Sport: “Qaab ciyaareedkiisu maanta aad buu u weynaa. Baaskii goolka koowaad ayaa ahaa mid aad u wanaagsan goolka labaadna wuxuu ahaa mid khaas ah”.

Klopp ayaa sheegay in ay wax intaas ka badan ka iman karaan xiddigiisa waxana uu yidhi”Salah waxa uu ku jiraa da’dii uu horumar sii samayn lahaa”.

“Waxa uu ku jiraa 5-ta xiddig ee ugu fiican adduunka laakiin haatan isaga ayaa ugu fiican adduunka”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here