Soomaaliya iyoThailand oo ka wada hadlay horumarinta labada dal

0
194

JOWHAR(Radio isnaay) Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Maxamud Axmed Nuur ayaa la kulmay danjiraha Thailand ee dalka Kenya Danjire H.E. Sasirit Tangulrat.

Labada safiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal oo ay ku jiraan horumarinta ganacsiga gaar ahaan kalluumaysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Safiirka labada dal ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xoogga la saaro iskaashiga labada dal ayna muhiim u tahay xiriirka labada dal.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa ka codsatay dalka Thailand in ay ka caawiyaan dhanka Farsamada oo muhiim u ah horumarinta dhaqaallaha dalka iyo Shaqo abuurka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here