Shirkadda Apple oo Shabakadeeda Shiinaha ka Saartay App ka  Qur’aanka Kariim.

0
221

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Shirkadda Apple ayaa shabakadeeda Shiinaha ka saartay App-ka dunida ugu caansan ee Quraanka ka dib markii ay sidaa ka codsatay dawladdu.

App-kaas oo la yidhaa Quran Majeed ayaa laga heli karaa shabakadda Apple ee dunida oo dhan, waxaana amaanay ku dhawaad 150,000 oo qof. Waxaa adeegsada malaayiin qof oo Muslimiin ah.

Xukuumadda Shiinuhu kama ay jawaabin codsi ay u dirtay BBC-dauoo ay ku waydiinayso in ay arintaa ka falceliso.

In App-kaa shabakadda laga saaray waxa markii ugu horraysay ogaaday Apple Cencorship oo ah website la socda shabakadda Apple ee dunida oo dhan.

Warbixin ay soo saartay shirkadda hindistay App-kaas oo la yidhaa PDMS aya alagu sheegay “sida ay Apple

sheegtay waxa laga saaray shabakadda Apple ee Shiinaha App-kayga Quran Majeed sababtuna tahay in App-kaas uu la socdo qoraalo kale oo u baahan in maamulka Shiinaha fasax looga helo”.

“Waxaanu isku dayeynaa in aanu la xidhiidhno maamulka shabakadda internet-ka ee Shiina iyo hay’adaha kale ee Shiinaha ee arintani khusayso si arinta loo furdaamiyo”.

Shirkaddu waxay sheegtay in ku dhawaad hal milyan oo qof oo ku nool Shiinuhu ay adeegsadaan App-keedaas.

Xisbiga Shuuciga ah ee Shiinaha ayaa rasmi ahaan u aqoonsan Islaamka in uu yahay diin dalka kajirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here