Liverpool Oo La Xaqiijiyay In Ay Doonayso Saxiixa Raphinha

0
174

JOWHAR (Radio isnaay) Wakiilka Raphinha ayaa shaaca ka qaaday in Liverpool ay xiiseyneyso weeraryahanka Leeds United.

Xiddiga 24 jirka ah oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay xilli ciyaareedkan ayaa looga wacay waajibaadka xulka qarankiisa kadib markii uu dhaliyay 9 gool 9 kalena caawiyay tan ilaa markii uu yimid kooxda xagaagii 2019.

Kooxaha Liverpool iyo Man United ayaa lala xidhiidhiyaya labadoodaba xiddiga si ay ugu dhaqaaqaan saxiixa xiddiga reer Brazil laakiin xiddigii hore ee chelsea Deco oo ah wakiilka Raphinha ayaa sheegay in ay kooxda Klopp ku horayso baacsiga loogu jiro xiddiga.

“Xaqiiqdii waxaa jira kooxo badan oo xiiseynaya isaga,” Deco ayaa u sheegay Globo. “Liverpool way jecel yihiin isaga, waxaana jiray xidhiidh la sameeyay laakiin ma jiraan wax dhab ah, Leeds waxa ay doonaysaa in ay sii haysato xiddiga xilli ciyaareed kale”.

“Raphinha wuxuu ku faraxsan yahay Leeds, laakiin waxaa jiri doona wakhti uu ka tagi doono kooxda si uu horay ugu wado xirfadiisa”ayuu sii raaciyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here