Muxuu Thiago Silva Ka Yidhi Go’aanka Uu Neymar Jr Kaga Fadhiisanayo Xulka Brazil?

0
159

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kaddib markii uu xiddiga reer Brazil ee Neymar sida lama filaanka ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo u ciyaarista xulkiisa marka uu soo dhamaado Koobka Adduunka 2022 lagu qabanayo waddanka Qatar, waxa soo baxaya falcelin iyo jawaabo ay bixinayaan ciyaartoyda iyo khubrada ciyaaruhu.

Thiago Silva oo ay xulka qaranka u wada ciyaaraan Neymar laakiin kusii jiraya isagoo ay da’diisu tahay 37 jir, waxa uu ka hadlay dareenkiisa la xidhiidha in Neymar oo 28 jir ahi uu ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah.

Difaaca Chelsea oo wax laga weydiiyey waxa uu kala socdo in Neymar gaadho go’aankan lama filaanka ah, waxa uu Thiago ku jawaabay: “Waa xaalad adag. Waxa aanu ognahay in dhamaantayo uu na saaran yahay cadaadis, laakiin Neymar isagu wuxuu waajahayaa cadaadis ka duwan, waa mid aad isaga loo saarayo oo la shaqsiyeeyey.”

Thiago Silva waxa uu difaacay Neymar isaga oo xusay in dadku ay illowsan yihiin wixii uu garoonka dhexdiisa ugu qabtay, sidaas darteedna ay isaga dhalleecayn shaqsi ah ugu jeedinayaan, waxaanu yidhi: “Waxay illoobeen wixii uu ugu qabtay gudaha garoonka.”

Markii ay soo dhamaatay ciyaartii barbarraha goolal la’aanta ah ay la galeen Colombia, Neymar ayaa si gaar ah loo bartilmaameedsaday oo dhalleecayn ba’an loo jeediyey, sida uu sheegay Thiago Silva.

“Neymar shaqsiyaddiisa ayay dhalleeceeyaan laakiin ma dhalleeceeyaan bandhiggiisa garoonka, waxay ka hadlaan waxyaabaha uu ka sameeyo bannaanka garoonka.” Ayuu yidhi Silva.

Neymar oo ay da’diisu tahay 28 jir, waxa uu hadda isku diyaarinayaa kulanka isreeb-reebka Koobka Adduunka ee ay Jimcaha la ciyaarayaan Aruguay oo ay ka horreeyaan lix dhibcood, kaas oo haddii ay guuleystaan ay yeelan doonaan 25 dhibcood, iyagoo lix dhibcoodna ka horreeya Argentina oo kaalinta labaad ku jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here