Harry Maguire Oo Ka Warbixiyey Dhaawaciisa – Miyuu Soo Laabanayaa Kulanka Leicester? 

0
147

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Kabtanka kooxda kubadda cagta Manchester United ee Harry Maguire ayaa ballan-qaaday inuu si degdeg ah usoo laaban doono oo lagu arki doono garoomada xilli uu dhaawac kasoo gaadhay muruqa kubka bishii hore uu ku maqan yahay.

Maguire oo 28 jir ah ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii guul-darrada ay kooxdiisu kala kulantay ee Aston Villa ee bishii September, waxaana uu seegay kulamadii Villarreal iyo Everton.

Kabtanku waxa kale oo uu ka maqnaaday kulamadii xulka qaranka England ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, waxaana uu wali shaki ku jiraa inuu taam u noqon karayo ciyaarta Leicester City ee horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

Harry Maguire oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu u halgamayo sidii uu usoo noqon lahaa, waxaanu yidhi; “Haa, waan soo kabanayaa. Wali tababarka kooxda kuma soo laaban, laakiin waan soo fiicnaanayaa, waanan soo kabanayaa oo aan soo laaban doonaa.”

Manchester United ayaa waxa kale oo ka dhaawacan Raphael Varane oo muddo toddobaadyo ah maqnaan doona, kaddib dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Faransiiska iyo Spain ee finalka UEFA Nations League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here