Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la yeeshay Guddigii ka qeyb galay dhageysiga Maxkamada ICJ

0
145

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay wefdigii dowladda Soomaaliya uga qeyb galay dhageysiga go’aanka maxkamadda ICJ ee baddeenna, ayaa ku bogaadiyay shaqadii ay Qaranka u qabteen, isagoo sidoo kale u mahad celiyay qareennadii difaacayay badda, madaxdii dalka soo maray iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Marka hore waxaan rabaa inaan soo dhaweyno go’aankii Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ, go’aan dhaxal gal ah oo taariikhda gashay ayuu noqday, waxaan kaloo rabaa inaan idinka idin hambalyeeyo, farxad ayay maanta ii tahay inaan teamkii soo halgamay, muddo badana howshan ku soo jiray aan u mahadceliyo, la’aantiin maanta meesha aan joogno ma gaareyn dadaal, karti iyo hufnaanta aad muujiseen aad ayaan ugu faraxsanahay, anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed waxaan idin leeyahay Hambalyo Hambalyo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here