Dhamaan Rikoodhadii Uu Jabiyey Cristiano Ronaldo iyo Raadka Uu Kaga Tegayo Kubadda Cagta.  

0
407

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo waxa diiwaanka ugu jira deraasiin rikoodho uu jabiyey oo ay qaarkood adag tahay in uu soo baxo laacib kale oo gaadhi kara amaba ay qaadan doonto waqti dheer in la jabiyo.

Min waqtigiisii hore ee Manchester United, Real Madrid, Juventus, xulka qaranka illaa hadda oo uu dib ugu soo laabtay Old Trafford, Ronaldo ayaa loo diiwaangelinayay rikoodho ay u sahlayeen qaab ciyaareedkiisa dedaalku ku ladhan yahay iyo xirfadlenimadiisa uu mar walba isku ilaaliyo sidii uu u noqon lahaa mid ka dheeraada waxyaabaha dadka hoos u dhiga, isaga oo awooddana saarayay sidii uu heerka ugu sarreeya ugu ciyaari lahaa.

Tani waxay ka caawisay in isaga oo ay da’diisu tahay 36 jir uu haddana ku jiro tartameyaasha abaal-marinta xiddiga adduunka 2021 oo uu kusoo baxay liiska 30ka laacib ee bisha dambe la kala saari doono.

Horyaalka naadiyada Yurub ee Champions League ayuu ku guuleystay shan jeer, lagana yaabaa in uu sii dhaafo tiradaas oo uu markii lixaad qaato si uu hal tallaabo oo kale ugaga horreeyo ciyaartoyda kale ee garoomada soo maray.

Laacibkan reer Portugal oo goolka guusha u dhaliyey Manchester United kulankii Villarreal, waa ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda Champions League, isaga oo dhaliyey 136 gool, mana jiro laacib kale oo taariikhda tiro intaas le’eg oo goolal ah dhaliyey.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here