Roobka Dayrta oo kada,ay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

0
155

JOWHAR (Radio isnaay) Roob biyo dhigay dhulka islamarkaana aad u xooganaa ayaa shalay iyo Xalay kada,ayay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle waxaana uu saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada Maadaama uu biyo dhigay inta badan Wadooyinka Magaalada.

Dadka degan Kaamamka ku yaalla Jowhar gaar ahaan Xaafadda Horseed ayuu saameyn xooggan ku yeeshay Roobkii shalay iyo Xalay ku dul socday Maadaama ay kujiraan Guryo kasameeysan Bacaha  oo dhibicda Roobka kaga Gambadaan waxaana ay Codsadeen in lasoo gaarsiiyo Gurmad Deg deg ah.

Inta badan Wabiga Shabelle ayaa Xilli Roobaadyada Fatahaad xoog leh ka sameeya Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Maamulka HirShabelle Balse ilaa iyo hadda Majirto Meelo kamid ah Magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyne oo uu Fatahaad kasameeyay Wabiga Marka laga soo tago 8 tuulo oo kutaalla Dhinaca Bari ee Magaalada Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here