Dowladda Soomaaliya oo sheegtay go’aanka Maxkamadda uu noqday sidii ay rabtay

0
159

JOWHAR (Radio isnaay) Ra’iisal wasaare kuxigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sheegay in Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ay gaartey go’aan taariikhi ah.

Go’aanka ayuu ku sheegay in uu noqdey sidii ay Soomaalida fileysay, kaasoo inta badan dhulka badda loo xukumay Soomaalida.

Dhul badeedkii la isku heystay intiisa badan waxaa loo xukumey Soomaaliya, iyadoo qeybta kalana loo xukumey lahaanshihiisa dalka Kenya.

Dacwaddan ayaa soo bilaabatey sanadkii 2009-kii, iyadoo kiiska dacwadda la horgeeyey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda sanaddii 2014-kii.

Markaa kadib, waxaa la dhageystay dhinacyada ay dacwaddu u dhaxeyso ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo ay soo martey dhageysiga dacwadda heerar kaa duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here