Xulka Ugu Horeeyay Ee Yurub Ah Oo Koobka Adduunka U Soo Baxay.

0
206

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xulka Jarmalka ayaa u soo baxay Koobka Adduunka ee Qatar lagu qabanayo sannadka danbe ka dib markii ay guul weyn ka gaareen caawa xulka North Macedonia, iyagoo ku badiyay 4-0.

Xiddiga Chelsea Kai Havetz ayaa goolasha u furay xulka Jarmalka ka dib markii uu baas deeqsinimo ah ka helay Thomas Muller.

Waxaa u labeeyay xulka Jarmalka xiddiga kale ee Chelsea Timo Werner iyadoo caawiye uu ka ahaa Thomas Muller mar kale kaasoo isna dhaliyay goolka seddexaad.

Jamal Musiala oo yaraantiisii u soo ciyaaray England ayaa goolasha u soo xiray xulka Jarmalka isagoo si kalsooni leh u dhameytiray goolka afaraad.

Jarmalka waxay ka soo baxeen Group J ee isreebreebka Koobka Adduunka ee xulalka qaarada Yurub iyagoo sideed kulan oo ay ciyaareen ka helay 21 dhibcood, kooxda ku soo xigta ee kaalinta labaad waa Romania oo 8 kulan oo ay dheeshay leh kaliya 13 dhibcood.

Jarmalka oo afar jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa u soo baxay tartanka markii 20aad kaliya Brazil oo 21 jeer u soo baxday ayaa ka badan.

Waxay u soo bixitaankooda Koobka Adduunka xaqiijisteen iyadoo labo kulan ay u harsan tahay oo ay la ciyaarayaan Liechtenstein iyo Armenia bisha danbe.

Dhanka kale xulka Netherlands ayaa sii xajistay hogaanka Group G ee isreebreebka Koobka Adduunka ka dib markii ay lix gool iyo waxba ku xasuuqeen xulka yar ee Gibraltar.

Virgil van Dijk ayaa goolasha u furay ka dib caawin uu ka helay Depay kaasoo rigoore qasaariyay ka hor inta uusan labo gool dhalinin. Dumfries, Danjuma iyo Malen ayaa seddex gool saxiixay iyadoo xiddiga Barcelona Depay uu sameeyay labo caawin kulankii caawa.

Netherlands waxay Group G ku hogaamineysaa 19 dhibcood iyagoo labo dhibcood ka sareeya xulka Norway oo kaalinta labaad ku jira caawana 2-0 kaga badiyay xulka Monetengro iyadoo labada goolba uu u saxiixay Elyounoussi.

Xulka Turkiga ayaa kaalinta 3aad ku jira oo leh 15 dhibcood iyagoo caawa 2-1 kaga badiyay Latvia. xulka Latvia ayaa hogaanka ku hormartay ka dib gool uu iska dhaliyay Damiral laakiin Dursun iyo Yilmaz ayaa guusha u xaqiijiyay Turkiga.

Group E xulka Wales ayaa 1-0 kaga badiyay Estonia halka Czech ayt 2-0 ku garaaceen Belarus.

Group H Malta iyo Cyprus ayaa 2-2 ku heshiiyay, Croatia iyo Slovakia iyagana natiijo la mid ah ayay ku kala baxeen halka Russia ay 2-1 kaga badisay Slovenia.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here