Turjumaankii Reer Afghaanistaan oo Kaabul ka Dhoofay.

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Nin turjumaan ah oo u dhashay dalka Afghanistan, oo hadda ka hor badbaadiyay Joe Biden xilli uu isagoo senator ah ku go’doomay baadiyaha Afghanistan, ayay hadda u suurtagashay in isaga iyo qoyskiisa laga soo badbaadiyo gobolkaas.

Sanadkii 2008-dii, baraf dabeylo xoog badan wata ayaa sababay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay saarnaayeen Mr Biden iyo xildhibaanno kale oo Mareykan ah inay si khasab ah ugu degto meel buuraleey ah, halkaasoo ay halis ugu jireen in lagu weeraro.

Aman Khalili ayaa markaas ka mid ahaa shaqaalaha reer Afghanistan ee u adeegayay dowladda Mareykanka, waxaana uu durbadiiba kooxda xildhibaannada ah ee uu Biden ku jiray u kaxeeyay meel amni ah.

Tan iyo bishii August ee sanadkan, waxa uu codsanayay in laga caawiyo caqabado ka heystay dhinaca dal ku galka si uu uga soo tago Afghanistan.

Hadda waxa uu ku biiray kumannaan reer Afghanistan ah oo kasoo qaxay dalkaas iyagoo diiddan inay ku hoos noolaadaan maamulka kooxda Taliban ee la wareegtay xukunka.

Maalintii Isniinta, ayuu wakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u sheegay BBC-da in Mr Khalili iyo qoyskiisa “ay si nabad ah uga soo duuleen Afghanistan kaddibna ay safar kale uga soo ambabaxeen Pakistan”.

“Sidaas waxa ay ugu suurtagashay caawinaad heer sare ah oo ay si gaar ah uga heleen dowladda Mareykanka, waana u mahad celineynaa dadka kale ee soo caawiyay inta uu waddada kusoo jiray.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here