Ronaldo Waxa Uu Xilli Ciyaareedkan Muujin Karaa In Uu Yahay Xiddiga Ugu Fiican Abid.

0
142

JOWHAR (Radio isnaay) Waxaan u malaynayaa in tani ay tahay xilli ciyaareedkii ugu muhiimsanaa ee Ronaldo, aniga ahaan, loo caleemo saari doono ciyaartoygii abid ugu fiicnaa,” waxa sidaas sheegay xiddigii da’yar Man United ee Robbie Savage.

“Messi ayaa ku bilowday si xun markii uu ku biiray PSG sabab la xidhiidha dhaawacyo soo gaadhay, laakiin Ronaldo waxa uu si fiican ugu bilowday Spain Portugal, Italy iyo waliba Premier League, haatan waxa uu mar kale si fiican ku bilowday premier League”.

“Waxa aan odhan karaa waa labada xiddig ee ugu fiican abdi laakiin Ronaldo hadii uu xilli ciyaareedkan dhaliyo 20 gool isla markaas Messi ku dhibaatoodo Ligue 1, waxa aan dhihi karaa Ronaldo ayaa noqon doona xiddiga ugu fiican Abid”.

Ronaldo ayaa shaki la’aan ku bilowday si ka fiican Messi isaga oo dhaliyay 5 gool 6 kulan oo uu u ciyaaray Man United tartamada oo dhan ilaa haatan.

Dhanka kale Messi ayaa kaliya dhaliyay hal gool 5 kulan oo uu u ciyaaray PSG Waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu la qabsado kooxdiisa cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here