Lionel Messi Oo Shaaciyey Magacyada Labada Ciyaartoy Ee Uu U Codayn Doono Ballon d’Or.

0
135

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa shaaciyey labada ciyaartoy ee uu siin doono codkiisa abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or, inkasta oo uu isaguna kusoo baxay liiska 30ka laacib ee ku tartami doona.

Wargeyska Farance Football ayaa Jimcihii waxa uu soo bandhigay qorshihiisa qaabka uu u codayn doono, iyadoo uu laacibkani ku jiro murashaxiinta tartamaysa iyo sidoo kale codeeyeyaasha maadaama uu yahay kabtanka xulka qaranka Argentina.

Ballon d’Or oo ah abaal-marinta ugu qiimaha badan ee uu ciyaartoy heli karo, ayaa waxa liiskeeda kusoo baxay labada laacib ee ugu hanashada badan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo 11 jeer labadoodu isku qaaday 15kii sannadood ee ugu dambeeyey.

Robert Lewandowski oo ahaa ciyaartoygii ugu cadcaddaa ee abaal-marintan loo saadaalinayey sannadkii hore laakiin nasiib-darro la joojiyey oo aan la bixin abaal-marinta sabab la xidhiidha Fayraska Korona ayaa kasoo dhex muuqda liiska, waxaana sidoo kale ku jira Neymar, Erling Haaland iyo Luka Modric.

Xiddiga da’da yar ee Barcelona iyo xulka Spain ee Pedri ayaa sidoo kale ku jira kaddib sannad uu ka mid ahaa kooxda koowaad ee Barca iyo xulka Spain oo uu Euro 2020 kala qayb-galay. Giorgio Chiellini, Leonardo Bonucci iyo Simon Kjaer ayaa iyaguna ku jira.

Murashaxiinta oo dhamaystiran:

Lewandowski, Salah, Jorginho, Azpilicueta, Lukaku, Ronaldo, Foden, Gerard Moreno, Mbappe, Suarez, De Bruyne, Dias, Kjaer, Neymar, Lautaro Martinez, Messi, Pedri, Chiellini, Bruno Fernandes, Modric, Mahrez, Haaland, Kante, Mount, Bonucci, Donnarumma, Kane, Benzema, Barella, Sterling

LABADA Uu Messi u codaynayo

Messi oo Jimcihii maanta hadlayay ayaa waxa uu sheegay in aanu ciyaartoyda kooxdiisa hore ee Barcelona u codayn doonin, laakiin uu dooranayo xiddigaha kooxda uu hadda joogo ee PSG, waxaanu yidhi: “Kooxdayda PSG, waxa jooga laba ciyaartoy oo aan si fudud ugu codeyn doono, waana Ney iyo Kylian”

Lionel Messi oo loo ogol yahay in sida kabtannada kale iyo tababareyaasha uu dooran karo shan ciyaartoy, waxa kale oo uu sheegay inuu codkiisa siin doono Robert Lewandowski oo dookha saddexaad ah iyo Karim Benzema.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here