Aqalka Senate-ka Maraykanka oo u codeeyey kordhinta heerka deynta.

0
105

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Aqalka Senate-ka ee Congresska Maraykanka ayaa ka weecday musiibo dhinaca deynta ah, ka dib markii uu u codeeyey in dawladdu ay lacag amaahan karto ilaa bisha December.

Tallaabadan ka ayaa dawladd dhexe ka horjoogsanaysa inay ka daba marto xiligii deyn bixinta. Khubarada ayaa ka digay in arrintaasi ay dhaawac weyn u geysan lahayd dhaqaalaha Maraykanka, isla markaana dhaawici lahayd malaayiin Maraykan ah.

Codadkii la qaaday oo kala ahaa 50 uu Dimoqraadigu helay iyo 48 uu Jamhuurigu helay ayaa lagu ogolaaday nus tiriliyoon dollar oo ay dawladdu amaahan karto, arrintaas oo naruuro u noqonaysa Washington iyo meello ka fog.

Hase yeeshee, arrintan ayaa ah mid muddo gaaban ah. Iyada oo haddaba la filayo in Aqalka Hoosena uu tallaabada Senate-ka raaco ayaa sharci dejiyeyaasha waxaa wali horyaalla in arrintan ay marka ka heshiiyaan inta aanu sanadku dhamaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here