WHO oo ansixisay tallaalka duumada ee carruurta Afrika.

0
134

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa Arbacadii sheegay in tallaalka kaliya ee la ansixiyey ee duumada ay tahay in si ballaaran loo siiyo carruurta Afrikaanka ah, taasoo laga yaabo inay calaamad u tahay horumar weyn oo ka dhan ah cudurka dila boqolaal kun oo qof sannad kasta.

WHO ayaa taageertay isticmaalka tallaalka RTS, S – ama Mosquirix, kaas oo ay soo saartay shirkadda daawooyinka Ingiriiska ee GlaxoSmithKline (GSK.L).

Ilaa sanadkii 2019, qiyaastiii 2.3 milyan oo tallaalka Mosquirix ah ayaa la siiyay dhallaanka ku nool Ghana, Kenya iyo Malawi, kaas oo ahaa barnaamij tijaabo oo ballaaran oo ay isku dubariday WHO, waxaana mashruucaas uu daba socday toban sano oo tijaabooyin caafimaad ah oo ka socday toddoba dal oo Afrikaan ah.

Inta badan dadka uu cudurkani dilo waxay ka yar yihiin shan sano.

“Kani waa tallaal ay Afrika ka soo saareen saynisyahanno Afrikaan ah, aad ayaana ugu faraxsannahay,” ayuu yiri agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo intaa ku daray ‘Isticmaalka tallaalkan iyo waxyaabaha kale ee looga hortago duumada (sida shabagga sariirta iyo buufinta lagu dilo kaneecada gudbisa cudurka) ayaa badbaadin kara tobannaan kun oo dhallinyaro ah sannad walba,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here