Taliban oo ku dhawaaqday in Wax kama Jiraan ay tahay Waxbarashadii 20 -kii sano ee la soo dhaafay ee Afgahanistaan.

0
229

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Taliban ayaa sheegay in aan waxba laga soo qaadi doonin ardayda wax ku baratay dalka Afghanistan 20 -kii sano ee la soo dhaafay.

Kulan uu la qaatay qaar ka mid ah macalimiinta jaamacadaha ayaa sidoo kale wuxuu ku sheegay in dib u habeyn lagu sameeynayo waxbrashada Afghanistan si aradayda bilowga horaba loogu kala qiimeeyo xulashadoooda.

Wuxuu sheegay in ay tahay in macalimiinta dhankooda la siiyo tababaro la xiriira sidii ay u soo saari lahaayen jiil anfacaya bulshada reer Afghanistan.

Ku-simaha madaxa Wasaaradda Tacliinta Sare ee Taliban ayaa khudbadiisii ugu horreysay tan iyo markii xilka loo magacaabay ku dhawaad saddex toddobaad ka hor sharraxaad ka bixiyay qiimaha diinta iyo doorbididda barashadeeda, isagoo tusaale u soo qaatay wasiirrada ay Taliban magacawday. “Dawladda Taliban, waxay gaareen mansabyo sare sare, jaamacad kuma ay baran, balse waa culimo “culimo-udiin” ayuu yiri.

Horey ayuu u sheegay in Taliban aaney oggolaan doonin waxbarashada isku dhafan ee gabdhaha iyo wiilasha wuxuuna ku dhawaaqay in maaddooyinka laga bixiyo jaamacadaha dib u eegis lagu sameyn doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here