Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha Itoobiya oo Maanta Baarlamaanka la horgeynayo.

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xildhibaannada Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa waxaa la filayaa inay Maanta Magaalada Addis Ababa ku yeeshan kulan xasaasi ah.

Kulanka ayaa waxaa ay uga doodi doonaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha dalkaas Sahle-Work Zewde.

Warar isa soo taraya ayaa tilmaamaya in laga yaabo in qof Soomaali ah loo magacaabo madaxweynaha Itoobiya, maadaama Soomaalidu ay hadda ka maqan tahay xilalka sare ee dalkaas.

Qaar kamid ah Warbaahinta Caalamka ayaa si aad ah u qoreeysa mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Itoobiya, xilli Maalin ka hor la caleemo saaray Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here