Saxiixyada Laga Yaabo In Ay Dhacaan Suuqa January

0
167

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Waxa suuqa January ka dhiman wax ka yar 3 bilood Kooxaha ayaana isku dayi doonaan in ay sameeyaan saxiixyo cusub marka la gaadho sanadka cusub.

Xiddigo ay ka mid yihiin Luis Suarez, Bruno Fernandes & Pierre-Emerick Aubemayang ayaa ka mid ah saxiixyada suuqa January yimid Preimier League.

Waxana jira xiddigo badan oo lala xidhiidhinayo kooxaha premier League ka hor inta aan la gaadhin bilowga sanadka cusub ee 2022.

Gunners ayaa u baahan weeraryahan cusub iyada oo heshiiska Alexandre Lacazette dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxana ay labada xiddig reer England u aragtaa badalka xiddiga reer France.

Raheem Sterling -> Barcelona:

Xiddiga reer England ayaa ku dhibaatoonaya in uu boos joogto ah ka helo kooxda Man City suuqa xagaaga waxana uu Guardiola diyaar u yahay in uu iska fasaxo xiddiga hadii uu helo dalab fiican.

Barcelona ayaana xiddiga reer England doonaysa in ay ku xoojiso weerarkeeda waxana la sheegayaa in ay u helayso lacag ay kula soo wareegto xiddiga.

Christopher Nkunku -> Chelsea:

Xiddiga khaka dhexe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxdiisa isaga oo dhaliyay saddexley kulankii Man City ee champions League waxana uu horay ula soo shaqeeyay Thomas tuchel waxana uu tababaruhu doonayaa in uu la midoobo xiddiga.

Paul Pogba -> PSG:

Xiddiga reer France ayuu shaki ku jiraa mustaqbalkiisa Man United iyada oo uu heshiiskiisa Red Devils dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Pogba ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan waxana ka ay kooxda reer France isku diyaarinaysaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga reer France.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here