Ciyaartooyda Degmooyinka Warta Nabadda iyo C/casiis oo wada badiyay tartanka Kubadda Gacanta.

0
229

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Tartanka kubbadda Gacanta Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir 2021 ayaa si habsami leh uga socdo garoonka Wiish ee Degmada C/casiis, waxaana  foodda is daray cayaartooyda Degmooyinka Warta Nabadda iyo Howlwadaag, waxaana 28-10 ku adkaatay Warta Nabadda.

Sidoo kale waxaa cayaar aad u xiiso badan dhexmartay ciyaartooyda Degmooyinka C/casiis iyo Xamar weyne.

Cayaarta oo ahayd mid xiiso badan ayaa xidigaha C/casiis waxa ay 38-13 uga adkaadeen dhigooda Degmada Xamar weyne.

Hadaba waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Natiijada cayaarihii maanta iyo kala horeynta

Group B:

Cabdicasiis 2 kulan 6 dhibcood.
Warta Nabadda 2 kulan 3 dhibcood.
Xamar Weyne 2 Kulan 3 dhibcood
Howlwadaag 1 kulan eber
Garabsbaaleey 1 kulan Eber.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here