Bernardo Silva Oo Magacaabay 6 Kooxood Oo Ku Tartami Doona Ku Guulaysiga Champions League.

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga reer Portugal ee Bernardo Silva weerarkana uga ciyaara kooxda Man City ayaa aaminsan in ayna kaliya kooxaha PSG iyo Man City ahayn kooxaha u tartami doona champions League xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City ayaa gaadhay Final-ka champions League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Chelsea halka ay PSG tartanka kaga hadhay Semi-final-ka kadib markii ay guuldaro kala kulantay Man City.

Bernardo Silva oo la hadlaya wargayska Manchester Evening News ayaa yidhi”Waxa jira kooxo badan oo ay tahay in la dhaafo champions League kaliya ma ahan PSG iyo Man City”.

“Waxa jia kooxo badan oo ay ka mid yihiin Bayern Munich, Chelsea, Liverpool, Real Madrid, Atletico Madrid iyo Barcelona”.

“Waxa ay dhamaan kooxahaas awood u leeyihiin in ay ku guulaystaan tartanka sidoo kale anaguna waan ka mid nahay”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here