Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Barcelona ayaa la kulantay guuldaro cusub oo bahdilaad ah tartanka Champions League, waxaana markan garaacday kooxda Benfican oo 3/0 ku xasuuqday kulan ka tirsanaa kulankii 2-aad ee wareega Group-yada champions League.
Kooxda Barcelona ayaa ku jirta kaalinta ugu dambaysa ee Group-kooda kadib markii laga badiyay 2-dii kulan ee ay ciyaartay champions league xilli ciyaareedkan.