Nin la la’aa oo dhinac ka galay dedaalkii isaga lagu baadigoobayay.

0
214

Nin lagu dhex la’aa gudaha waddanka Turkiga ayaa si lama filaan ah ugu biiray dedaal isaga laf ahaantiisa lagu baadigoobayay, iyadoo saacado kaddib uu xaqiiqsaday in qofka dadku ay baadigoobayaan uu isaga uun yahay, warbaahinta maxalliga ah ayaa sidaasi ku warrantay.

Beyhan Mutlu ayaa waxa Talaadadii cabitaan la raadsaday saaxiibadii markaas oo ay dhex warwareegayeen kaynta gobolka Busra.

Markii uu soo laaban waayay, xaaskiisa iyo saaxiibadii ayaa waxa ay warka gaarsiiyeen mas’uuliyiinta maxalliga ah, waxaana markiiba bilowday howlgalka lagu baadigoobayay.

Mr Mutlu, oo 50-jir ah, ayaa ku soo biiray koox wax baadigoobaysa waxa uuna go’aansaday inuu ku biiro, NTV ayaa sidaasi ku warrantay.

Hasayeeshee markii xubnihii waxbaarayay ay bilaabeen inay u dhawaqaan ninkaasi iyagoo magaciisa ugu yeeraya, ayuu ku jawaabay: “War waa ikan”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here