Lionel Messi: Wali Waan La Qabsanaayaa PSG.

0
358

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Lionel Messi ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii ay kooxdiisa Paris Saint-Germain ka gaartay dhiggiisa Manchester City iyo goolkiisii ugu horeeyay ee kooxdiisa cusub.

Messi ayaa dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda PSG kulankii ay Kooxdiisu guusha 2/0 ah ka gaadhay Man City kulan ka tirsanaa wareega Group-yada champions League.

Leo Messi oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan wajahnay koox adag oo weyn, waxa muhiim noo ahayd in aan badino kadib bar-barihii kulankii hore”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here