Turkiga oo lagu Boorriyay inuusan mar kale soo iibsanin qalab milatari.

0
152

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mareykanka ayaa ku boorriyay Turkiga inaysan mar kale soo iibsanin qalab milatari oo Ruushku leeeyahay ah kadib markii madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, uu sheegay inuusan ka baaqsan doonin inuu iibsado qaybtii labaad ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka oo ah kuwa horumarsan.

Afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda ayaa ugu baaqay Turkiga inay ka takhalusaan gantaalaha ee S-400 iyo inaysan iibsan wax intaas ka badan ama halis u horseedi karta cunaqabateyn dheeraad ah.

Xukuumadda Washington ayaa sheegtay in difaaca gantaallada uu halis ku yahay diyaaradahooda dagaalka ee F-35. Isagoo la hadlayey CBS News, Mr Erdogan wuxuu sheegay in qofna uusan faragelin karin xulashooyinka Turkiga ee soo iibsiga difaaca.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here