Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Mikel Arteta ayaa qirtay inuu aad uga walwalsan yahay Granit Xhaka ka dib markii ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka baxay guushii cajiibka aheyd ee Arsenal 3-1 ka gaartay kulankii London derby ee axadii ay la ciyaareen Tottenham.
Gunners ayaa guul weyn ka gaadhay Tottenham iyaga oo guul gaadhay kulankoodii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League.
Laakiin Arsenal ayaa dhaawac ku wayday xiddiga khadka dhexe ee Granit Xhaka kaas oo dhaawac kaga baxay Ciyaarta daqiiqadii 79-aad isaga oo dareemaya xanuun aad u daran.
Mikel Arteta oo ka hadlaya xaalada Xhaka ayaa yidhi”Nasiib darro dhaawac ayaa soo gaaray aadna waan u walwalsanahay maxaa yeelay hadda uma muuqato mid aad u wanaagsan”.