Nin 42 sano ka dib u soo Noqday Labadiisa Xaas balse kala kulmay Arrin Niyad Jab ah.

0
178

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ninkan oo la yirahdo Peter Oyuka wuxuu ka tagay gurigiisa oo ku yaalla tuulada Makale ee Degmada Kakamega ee dalka Kenya sanadkii 1974 -tii, si u helo shaqo mushaar fiican uu ka qaato islamarkana uu u daryeelo labadiisa xaas iyo shan carruur ah oo u dhalay.

Odaygan oo 84 sano jir ah ayaa niyadda aad uga jabay kadib markii uu ogaaday in labadiisii xaas ee uu ka tagay 47 sano ka hor ay niman kale iska guursadeen.
Xaasaskiisa, oo cidlo iyo wehel la’aan dareemay ayaa go’aansaday inay niman kale iska guursadaan wax yar ka dib markii Oyuka uu ka tagay sannadkii 1974.

Talaadadii, Sebtember 21, 2021-afartan iyo toddoba sano kadib-Oyuka wuxuu ku noqday gurigiisii, dad aad u tiro yar oo qaraabo ah ayaa aqoonsaday.
“Waxaan jeclaan lahaa in xaasaskaygu maanta igu soo dhaweeyaan guriga,” ayuu yidhi, isaga oo wejigiisa ay muuqato caro iyo niyad jab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here