Chelsea Oo Go’aan La Yaab Leh Ka Gaartay Musaqbalka N’Golo Kante.

0
195

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u furan tahay fikirka ah inay iibiso N’Golo Kante marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga sida ay sheegayaan wararku.

30 jirkaan ayaa muhiim u ahaa Blues tan iyo markii uu ka yimid Leicester City sanadkii 2016, isagoo saftay 224 kulan tartamada oo dhan, isagoo kula guuleystay Premier League, FA Cup, Champions League iyo Europa League intii uu joogay Stamford Bridge.

Heshiiska Kante ee kooxda chelsea ayaa dhici doona xagaaga 2023, sida laga soo xigtay Fichajes, chelsea ayaa ka fiirsanaysa in ay iska iibiso xiddiga reer france sanadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here