Ruud Gullit oo Doortay Xiddiga U Qalma Ku Guulaysiga Ballon d’Or.

0
188

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Ruud Gullit ayaa magacaabay xiddiga u qalma ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or sanadkan isaga oo iska indha tiray xiddigaha Cristiano Ronaldo & Lionel Messi.

Gullit ayaa sheegay in uu xiddiga khadka dhexe ee kooxda chelsea ee N’Golo Kante u qalmo ku guulaysiga abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or-ka sanadkan.

Xiddiga chelsea ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay sanadihii ugu dambeyay hadii ay tahay xulka qarankiisa France oo uu kula guulaystay koobka adduunka iyo chelsea oo uu kula guulaystay premier League iyo champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here