Cristiano Ronaldo Oo Lionel Messi Ku Garaacay Tartan Gaar Ah.

0
175

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Xiddiga kooxda Man United ee Cristaino Ronaldo ayaa Lionel Messi ku garaacay Xiddiga kubada cagta ee ugu mushaharka badan adduunka iyada oo xiddiga Red Devils sanadkii qaadanayo 91.5 milyan oo euro.

Ronaldo iyo Messi ayaa ah labada xiddig ee ugu mushaharka badan addunka waxana ay labadooduba ku kala biireen kooxaha Man United iyo PSG.

Lionel Messi ayaa u xaadiri doona sanadka lacag dhan 80 milyan oo euro laakiin waxa uu aad uga mushahar hooseeyaa xiddiga ay xafiiltamaan ee Ronaldo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here