Dhul gariir Xooggan oo ka dhacay Dalka Australia.

0
138

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Dhul gariirka oo halbeegiisu lagu sheegay 5.9 Rector Scale, oo laga dareemay magaalladda Melbourne ee Caasimadda u ah Gobalka Victoria ee dhaca Koonfurta Galbeed ee dalkaasi Australia.

Burbur dhismooyin ayaa la soo weriyey, iyadoo ruxunka dhulka laga dareemay Deegaanada deriska la ah magaalada Melbourne.

Xuddunta dhul-gariirka ayaa ahaa Degmadda Mansfield, sida ay sheegeen Hay’addaha u xil saaran.

Ilaa hadda, lama soo werinin Khasaaro soo gaaray dadka ku nool magaalladda Melbourne oo ah magaalada 2aad ee ugu weyn Australia.

Saxafada kala duwan ee ka hawlgasho Australia ayaa warineysa in dadka ay dareemayaan walaac ballaaran oo ku aadan in uu sii kordho dhul gariirka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here