Taariikhda hogaamiyihii ugu mudada dheeraa Aljeeriya oo geeriyooday.

0
126

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Cabdulcasiis Butafliiqa ayaa muddo 60 sano ah ku jiray siyaasadda Aljeeriya, isagoo heerar kale duwan ka gaaray.

Waxaa lagu xusuustaa inuu yahay hogaamiyaha ugu mudada dheeraa, isagoo madaxweyne ka ahaa dalkaas 1999 ilaa 2019.

2-dii March 1937 ayuu ku dhashay Oujda oo hadda ka tirsan Morocco, waxaana isagoo da’ yar lagu bartay xikmad iyo karti.

Sanadihii u dhiganayay dugsiga sare ayaa waalidkiisa waxaa u yeeray boqortooyada Morocco, waxaana loogu hambalyeeyay natiijada kheyru caadiga ah ee uu imtixaanka ka keenay.

Isagoo 19 jir ah ayuu ku biiray jabhadii ALN ee u dagaallamaysay in Aljeeriya ay xornimadeeda ka qaadato Faransiiska.

Xikmaddiisa iyo cod karnimadiisa ayaa u sahashay inu darajo weyn ka gaaro jabhadda, waxaana uu ahaa xoghayaha guud ilaa inta uu dalkaas ka qaatay madaxbannaanida 1962.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here