Wiil 9 jir ah oo muuqaal uu ka daawaday TiKTok dartii u galay qalliin.

0
107

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Hooyo ayaa sheegtay in wiilkeeda oo sagaal jir ah uu nasiib u yeeshay inuu noolaado ka dib markii ay barta TikTok ku baahisay in willkeedau u baahan yahay qalliin degdeg ah oo caloosha ah.

Jack Mason, oo ka yimid Stirling, UK waxay noqotay in laga saaro xiidmaha, ka dib markii uu liqay birlabyo badan oo yaryar.

Muuqaalo dhex wareegayay aaladda TikTok ayaa lagu arkay carruur birlabyada noocaas ah oo afka ku haysa.

Jack hooyadiis Carolann McGeoch ayaa hadda dooneysa inay waalidiinta uga digto halista ka imaan karta.

Waxay BBC -da u sheegtay in waalidiinta “ay si toos ah u geliyaan birlabyada weelka qashinka” maadaama wiilkeeda laga saaray isbitaalka isagoo ay sugeyso ka soo kabasho dheer.

Jack ayaa isbitaal la geeyay 7-dii Sebtember ka dib markii calool xanuun iyo matag isku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here