Gabadh uu 14 sannadood ka hor aabeheed afduubtay oo dib ula midoowday hooyadeed

0
154

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Afar iyo toban sano ka dib markii la sheegay in aabaheed uu afduubtay, gabadhan oo reer Florida ah ayaa hooyadeed kula kulantay xadka Mareykanka iyo Mexico, sida ay booliska sheegeen.

Gabadhan oo la yirahdo Jacqueline Hernandez Waxaa la waayay Sanadkii 2007-kii xilligaas oo ay lix jir ahayd wuxuu ahaa kiis qabow ilaa bishaan, markii la sheegay inay hooyadeed kula xiriirtay Facebook.

Ms Hernandez, oo hadda 19 jir ah, ayaa u sheegtay in Angelica Vences-Salgadoay joogtay Mexico. Waxay Isniintii ku midoobeen Texas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here