Liverpool Vs Ac Milan: Labada Kooxood Oo Markii 3-aad Kulamaya.

0
130

Liverpool iyo Ac Milan ayaa kaliya kulmay laba jeer oo hore waxana ay ku kulmeen final-ka champions League iyada oo laabda kooxood kala qaybsadeen guulaha.

Kadib markii ay guul gaadheen 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ay kooxaha reer Italy marti galiyeen Anfield champions League, Liverpool ayaan wax guul ah gaadhin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Ac Milan ayaa badisay kaliya hal ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxaha Premier League iyaga oo guusha kaliya ka gaadhay kooxda Arsenal champions League xilli ciyaareedkii 2012.

Tan ilaa 2017/2018 kooxda Liverpool ayaa ah kooxda 3-aad ee guulaha ugu badan champions league iyaga oo gaadhay 25 guul kaliya Man City (30) iyo Bayern Munich (31) ayaa ka guulo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here