Madaxweynaha Suuriya oo 5 Sanno kadib booqasho ku tegay Ruushka.

0
125

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Madaxweynaha Wadanka Ruushka Vladimir Puttin ayaa Aqalka Madaxtooyada wadanka Ruushka ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Dalka Siiriya Bishaar Al Asad.

Wakaalada wararka Ruushka ee TASS ayaa warisey in labada Madaxweyne ay yeesheen kulamo gaar ah oo looga hadleyey Arimaha wadanka Suuriya waana Markii ugu horeysey ee Madaxweyne Asad uu gaaro Ruushka wax kabadan 5 Sanno.

Madaxweyne Puutin ayaa dhigiisa Suuriya u balan qaaday in uu kala shaqeyneyo wadahadalo dhexmara Xukuumada Mr Asad iyo Mucaaradka dhinaca Siyaasada ee wadanka Suuriya sida lagu sheegey war lagu daabacay Bogga internetka Madaxtooyada Rushka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here