Taalibaan oo ku Dhawaaqday Sharciyo cusub oo la xiriira Dumarka Waxbarta ee Dalka Afganistaan.

0
134

Jaamacadaha Afqaanistaan ​​waxaa lagu kala sooci doonaa ragga iyo dumarka, waxaana la soo bandhigi doonaa xeerka labiska cusub ee Islaamka, ayay Taalibaan sheegtay.

Wasiirka Tacliinta Sare Cabdul Baqi Haqqani ayaa tilmaamay in haweenka loo oggolaan doono inay wax bartaan, balse aan la barbar dhigi doonin ragga.

Waxa kale oo uu ku dhawaaqay in dib -u -eegis lagu sameeyo maaddooyinka la baro.

Dumarka iyo gabdhaha ayaa laga mamnuucay iskuulada iyo jaamacadaha hoos yimaada Talibaan intii u dhaxaysay 1996 ilaa 2001.

Taalibaan ayaa sheegtay inaysan ka hor istaagi doonin haweenka inay wax bartaan ama ay helaan shaqooyin. Laakiin tan iyo markii ay xukunka la wareegeen 15-kii Ogosto, waxay ka codsadeen dhammaan haweenka, marka laga reebo kuwa ku jira waaxda caafimaadka dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here