Real Madrid Oo Go’aan Kama Dambays Ah Ka Gaartay Mustaqbalka Eden Hazard.

0
116

Jowhar – ( Radio Isnaay ) – Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dhageysan doonto dalabyada Eden Hazard marka la gaadho suuqa kala iibsiga bisha January iyada oo ay kooxdu isku diyaarinayso imaatinka xiddiga Kylian Mbappe sanadka 2022.

Los Blancos ayaa ku guuldarreysatay inay ku qanciso Paris Saint-Germain inay iibiso Mbappe xagaaga laakiin waxaa la filayaa in ay dib ugu laabato baacsiga xiddiga reer France suuqa January ama dhamaadka xilli ciyaareedkan markaas oo ay qaab xor ah ku heli karto.

Sida laga soo xigtay todofichajes, kooxda Carlo Ancelotti ayaa diyaar u ah inay iibiso Hazard si ay boos ugu hesho xiddiga koobka adduunka ku guulaystay si uu u yimaado kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda ka dhisan caasimadda ay dhageysan doonto dalab kasta oo loo soo bandhigi karo weeraryahankii hore ee Chelsea marka la gaadho suuqa January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here